spot_imgspot_imgspot_img

Sirdoonka Turkiga oo howlgal ku dishay xubin sare oo ka tirsan PKK

Khamiis, 24 Oct 2024 {HMC} – Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT) ayaa ka takhalustay xubin sare oo ka tirsan PKK intii lagu jiray hawlgal ka dhacay waqooyiga Ciraaq sida ay sheegeen ilo wareedyo amni oo la hadlay Wakaalada Wararka Anadolu.

Serkan Nazlier, oo lagu baadigoobayay qeybta cas ee sida aadka ah loo doonayo, ayaa ahaa waxa loogu yeero madaxa hawlgallada kooxda ee gobolka Hakkari ee koonfurta bari ee Turkiga.

Waxaa sidoo, kale lagu dilay howlgalka Sarkaal kale oo magaciisa lagu sheegay “Sefkan Amed” oo ahaa maskaxdii ka dambeysay dhowr weerar oo argagixiso oo ka dhacay Turkiga, wuxuuna mas’uul ka ahaa xulashada iyo hagidda argagixisada.

Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa qorshayaashii weerar gantaallo ah oo lagu qaaday saldhigga ciidamada Turkiga ee waqooyiga Ciraaq sanadkii 2019-kii. Liiska dadka la raadinayo ee Turkiga waxa loo qaybiyaa shan qaybood oo midabkoodu yahay guduud.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay xalay duqeeyeen goobo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya oo lala xiriirinayo kooxda Kurdiyiinta ee PKK, kaddib markii ay ku eedeeyeen weerar ka dhacay meel u dhow Ankara oo ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof.

Muuqaalo kala duwan oo laga soo qaaday weerarkii horraantii Arbacada ayaa muujinaya ugu yaraan laba qof oo qoryaha ku ridaya agagaarka albaabka laga galo warshadaha hawada sare ee Turkiga (TAI), oo ku yaal meel 40km ka baxsan caasimadda.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ku dhintay 5 qof, halka 22 kalena ay ku dhaawacmeen.

“Guud ahaan 32 bartilmaameed oo ay lahaayeen argagixisadu si guul leh ayaa lagu burburiyay”, ayay wasaaradda gaashaandhigga Turkiga ku sheegtay bayaan.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku tilmaamay weerarka lagu qaaday TAI “mid aad u fool xun” isaga oo ku qoray boggiisa X.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Yerlikaaya ayaa sheegay in labada qof ee weerarka soo qaaday oo kala ahaa haweeney iyo nin la dilay “laga hortagey”, isagoo intaa ku daray in weerarka ay u badan tahay inay ku lug lahaayeen kooxda PKK.

Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) waxa urur ahaan mamnuucay Turkiga, Maraykanka iyo UK, waxana uu la dagaallamayay dawladda Turkiga tan iyo 1980-meeyadii si loo helo xuquuq weyn oo la siiyo Kurdiyiinta tirada yar ee dalkaas.

WARARKA