spot_imgspot_imgspot_img

Maxaay Tahay Miisaniyadda aay Maanta Ansixiyeeyn Wasiirada Jubaland?

Khamiis 24-Oct-2024 {HMC}  Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagu ansixiyay ku tala galka miisaaniyadda maamulka ee sannadka 2025, taas oo dhan $63,387,111.39 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda iyo Hormarinta dhaqaalaha.

Waxaa kale oo golaha wasiirrada Jubbaland ansixiyay xeerka ka hortaga gudniinka fircooniga ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin arrimaha amniga, Xaalada guud ee siyaasada dalka, Isbadalka Cimiladda, dardar galinta mashruuca GPE ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Ciyaaraha Degmooyinka Jubaland oo dhawaan la qabanayo.

Miisaaniyadda maamulka Jubbalabd , ayaa sare u kacday sannadka soo socda, waxaana lacagaha miisaaniyadda ee maamulka Jubbaland ka timaadaa dhinaca dekadda Kismaayo iyo lacagaha kabka ee dowladda bixiso.

WARARKA