spot_imgspot_imgspot_img

Faahfaahin Kasoo Baxeeyso Xiisad Dagaal oo Ka Taagan Degmada Jalaqsi

Khamiis 24-Oct-2024 {HMC}  Xiisad dagaal ayaa manta ka taagan degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana Magaaladaasi qeeybo kamid ah gudaha u galay Maleeshiyo Hubeeysan Oo diidan Maamulka degmada Jalalaqsi.

Maleeshiyada Hubeeysan ayaa kasoo horjeedo qorsho Gudoomiyaha degmada jalalaqsi Nuur maxamed Absugi oo ku doonayo in lagu dumiyo Guriga Gudoomiyahii hore ee degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidoow, oo udhow Saldhiga Booliska degmadaas , si halkaasi looga fuliyo Mashaariic horumarineeyd sida ay Maamulka sheekeyn.

Sidoo kale Maleeshiyada oo dadka degmada kula hadlay ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuure Dheere in dhalinyarada dhawaan lagu xiray uu ka qaatay lacago madax-furasho ah, si looso daayo. Waxaana sidoo kale Ciidamadan ay fureeyn wadooyin maamulka degmada Jalalaqsi uu dhawaan Xiray.

Labada Ciidan ee iska soo Horjeedo ayaa ku kala sugan Xarunta Saldhiga Booliska iyo Koontaroolka Magaalada laga galo iyo xaafado kamid ah degmadaas, waxaana laga Cabsi qabaa in uu dagaal qarxo sida ay dadka deegaanka Warbaahinta u sheekeyn.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absugi ayaa Xiligan ku sugan Xarunta Ciidamada ATMIS ay Ku leeyahiin degmadaasi, Maleehiyaadka Hubeeysan ayaa Gudaha degmada Jalalaqsi la galay Gaadiid dagaal sida lagu arkayay muuqaalo kooban oo Baraha Bulshada lasoo galiyay.

Ugu dambeeyn Odoyaasha dhaqanka degmada Jalalaqsi ayaa wado dadaalo xoogan oo xal loogu raadinayo Sidii loo joojin lahaa xiisadan kasoo Cusboonaatay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

WARARKA