spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Danab oo howlgal Ka Wada Gobolka Galgaduud

 

Khamiis 24-Octo-2024 {HMC}– Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta ciidamada Danab ee Xoogga dalka ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Howlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay ayaa si gaar ah ciidamada kumaandooska Danab waxa ay uga fuliyeen dhulka howdka ah, gaar ahaan aagga deegaanka Geerile ee bariga gobolkaasi.

War kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 12 xubnood oo Shabaab ahaa, laguna dhaawacay 22 kale oo kuu dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah.

“Ciidanka kumaandooska Danab XDs ayaa howgal Qorshaysan ku qaarajiyay 12 toban dhagarqabe oo katirsan khawaarijta halka 22 xubnood oo kale lagu dhaawacay howlgal ciidanka ay kasameeyeen dhulka howdka ee ku xeeran Deegaanka Geerile ee hoostaga dagmada Ceeldheer ee katirsan bariga gobalka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in xubnaha la laayay ay ahaayeen kuwa firxad ah oo ay ku daba jireen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Howlgalkan oo ahaa mid lagu raadjoogay firxadka haraadiga maleeshiyada Argagixisada ee ku dhuumaaleysana deeganada dhulka howdka ee ka tirsan gobalka Galgaduud” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka soconayo guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

WARARKA