spot_imgspot_imgspot_img

Dowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay weerarkii lagu qaaday xarunta diyaaradaha Turkiga

Khamiis 24 Oct 2024 {HMC} –  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u canbaaraysay weerarka argagixiso ee foosha xun ee lagu qaaday Turkish Aerospace Industries (TUSAS) ee Kahramankazan, Ankara, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dhibbanayaasha, annagoo garab taagan shacabka iyo dowladda Turkiga xilligan adag,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaan uusan kaliya halis ku aheyn Turkiga, “balse uu dharbaaxo ku yahay nabadda iyo amniga caalamka.”

“Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay, waxay khatar ku tahay xasilloonida dalalka iyo badqabka dadka oo dhan, Soomaaliya oo muddo dheer dagaal kula jirtay argagixisada, si qoto dheer ayay ula damqanaysaa walaalaheeda Turkiga, waxayna la wadaageysaa murugada,” ayaa lagu yiri Bayaanka Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay jawaabta deg degga ah ee ciidamada amniga Turkiga ay ka bixiyeen weerarkaas, “waxaan ku kalsoonahay in kuwa masuulka ka ah lala xisaabtami doono,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga u xaqiijisay in go’aankeedu uu yahay inay sii waddo wada shaqeynta ay la leedahay Turkiga iyo beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, Iskaashigeenu uu ka xoog badan yahay intii hore, kaas oo ku dhisan qiyamka aan wadaagno, kalsoonida, iyo u heellanaanta nabadda.

“Xilliyadan adag Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka inay mideeyaan dadaallada iyo iskaashiga, si looga hortago dhibaatada argagixisada ee caalamka oo dhan,” ayaa lagu yiri warkaan ay caawa soo saartay dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii qoraalka dowladda Soomaaliya waxaa lagu yiri, “Wadajir waxaan u xaqiijin karnaa in ficillada noocan oo kale ah aysan wiiqi doonin go’aankeena ah inaan ilaalino dadkeenna iyo nabadda caalamka.”

WARARKA