spot_imgspot_imgspot_img

Maamulka Hirshabelle oo ka hadlay Dhismaha Golaha deegaanka ee degmada Maxaas.

Arbaco 23-Octo-2024 {HMC} Maamulka Hirshabelle oo faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dhismaha Golaha Deeegaanka ee Degmda Maxaas ee Gobolka Hiiraan. taasi oo maalmihii lasoo dhaafay arrimo ku aadan Wadatashi ku saabsan dhismaha Golahaan ay ka socdeen degmadasi.

Wasiirka Wasarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladdaha Hoose ee Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure {Karoore} ayaa sheegay in uu meel fiican maraayo dhismaha iyo qaban-qaabada Golaha deegaanka ee Maxaas.

Wasiirka oo wareeysi siiyay Warbahinta Hiiraanwayn ayaa sheegay in dadaal badan ay ku bixinayaan sidii ay dadka reer Maxaaseed ay iyagu udooran lahaayeen ciida degmadood Madaxda ka noqoneeyso.

Sidoo kale Wasiirka oo ka hadlayay Warar Lagu Baahiyay Baraha Bulshada kaasi ku aadanaa in degmada Maxaas ay kuraas ku yeelan doonaan dad kasoo jeeda Gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhaxe. Waxaana ayuu sheegay in Warkaasi aysan waxba ka jirin ayna soo abaa-buleen Siyaasiyiin iyo dad kale oo uu ku sheegay iney dadka reer Maxaaseed ay u diidanyihiin hormarkooda.

”Majiro wax sax ahna maaha hadaladaas, waxaana soo abuubulay Siyasiyiin iyo dad marin habaabinaya bulshada kuwaas oo diidan in dadka reer Maxaaseed ay is doortaan” ayuu ku jiri hadalkiisa.

Wasiir Karoore Waxaa uu kale sheegay in bulshada iyo waxgaradka loo bandhigi doono ineey diyaar u yihiin in loo dhiso Golo- deegan si ay iyaga usoo doortaan qofkii ay la Xisaab tami karaan..

”Majiro wax qasab ah bushada aya loo bandhigayaa hadii ay nala qaataane waan dhisaynaa” ayuu ku yiri hadalkiisa wasiir karoore.

Maamulka Hirshabeella ayaa Markii ugu horeeysay wado dadaalo Golo deegaan loogu Sameeynayo degmoyinka Gobolka Hiiraan, inkastoo dhowr jeer oo ay guul dareeysteen arintan..

WARARKA