spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo Qaramada Midoobay & Midowga Afrika hordhigtay qorshe ka dhan ah ITOOBIYA.

Arbaco 23-Octo-2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ay Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika u hordhigeyso howlgalka cusub ee AUSSOM ee baddelaya kan kumeel-gaarka ah ee ATMIS loosoo gaabiyo.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan, safaradii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku maray Dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya waxa uu madaxda dowladahaas kala hadlay howlgalka cusub ee billaabanaya 2025.

Dowladdu waxa ay diiradda saartay sidii cadaadis xooggan loo saari lahaa Itoobiya oo ku adkeysatay xadgudubka gurracan ay ku faragelisay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas awgeed waxaa laga saari doonnaa howlgalka baddelaya ATMIS.

Wakiillo kala duwan oo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ka socda ayaa kusoo qulqulaya Dalka, ujeedkoodu waa in ay Madaxda Dowladda Federaalka isla meel dhigaan howlgalka AUSSOM oo la filayo in Dalal kale lagu soo kordhiyo.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay Dalalka ku yaboohay Ciidamada ATMIS marka laga reebo Itoobiya waxa uu kahortagay kulan la isugu keeni lahaa Waddamada ay ka socdaan ciidamadaan jooga Soomaaliya.

Maalmaha soo socda Magaalada Muqdisho waxa ay martigelin doonnaa shirar isdaba joog ah oo xoogga lagu saarayo jiheynta howlgalka AUSSOM, waxaana diiradda la saarayaa go’aanka Dowladda Federaalka ee la xiriira in laga saaro Itoobiya oo ku xadgudubtay madaxbannaanida, wadajirka & midnimada JFS.

WARARKA