spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliya ayaa loo ansixiyay $100 Milyan oo doollar.

Abaco 23 Oct 2024 {HMC} Guddiga Sare ee Sanduuqa taakulada Qaramada Midoobay u qaabilsan gacansiinta Dowladaha la hardamaya isbaddelka Cimillada (Green Climate Fund) ayaa Soomaaliya u ansixiyay lacag dhan $100 Milyan oo Doollar si looga hortago khataraha ka dhallan kara dhibaatooyinka ka dhashay isbaddelka Cimillada.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddelka Cimillada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ayaa soo dhaweysay tallaabadaan oo ay ku sifeysay in ay tahay mid kaalin weyn ka qaadaneysa sare u qaadista sugnaanta cuntada ee Dalka sida ay hadalka u dhigtay.

Khadiija ayaa tilmaamtay in arrintaan ay u tahay bar billow u ah dedaalka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga jirto yaraynta dhibaatooyinka ka dhasha Isbaddelka Cimillada Dalka sida ay hadalka u dhigtay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddelka Cimillada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Farxad ayay ii ahayd inaan manta goob-joog u ahaado ansxinta Mashruuci ugu horeeyey oo gaar u ah Soomaaliya ($100 Malyuun), kaas oo lagu maalgelin doono sare u qaadidda Adkaysiga Isbeddelka Cimilada ee Bulshada Soomaaliyeed” ayay tiri Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi.

“Waxaan uga mahad-celinayaa Kalfadhiga 40aad ee Guddiga Sare ee Sanduuqa Green Climate Fund mudada kooban oo ay ku ansixiyeen mashruucan. Tan ayaa bar-bilow u ah dedaalka aan ugu jirno yaraynta nugaylka iyo khatarha isbeddelka cimilada Soomaaliya iyo sido kale sare u qaadidda sugnaanta cuntada ee dalkeenna” ayay qoraalkeeda sii raacisay Khadiija Al-Makhzuumi.

Soomaaliya waxa ay safka hore uga jirtaa Dalalka saameynta taban ku reebeen isbaddelka Cimillada, sanadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay abaaro iyo fatahaado is xig-xigay, haatan Dowladda Federaalka waxa ay sheegtay in ay ku howlan tahay dedaallada looga hortagayo khatarta lasii saadaalinayo.

WARARKA