spot_imgspot_imgspot_img

Muuse Biixi oo kulan xasaasi ah la qaatay Karin Johansson

Talaado 22-Octo-2024 {HMC} Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ku qaabiley Safiirka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya Amb. Karin Johansson.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Amb Karin Johansson ayaa waxa ay kawada hadleen xoojinta xiriirka midowga yurub iyo maamulka Somaliland, mashaariicda horumarinta bulshada ee ay iska kaashadaan labada dhinac.

Sidoo kale, waxa kulanka labada dhinac yeesheen lagu gorfeeyey arrimaha doorashooyinka maamulka Somaliland ee bisha soo socota ee November qabsoomeysa , nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Geeska Afrika.

Waxaana Madaxweynaha Somaliland kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Ciise Keyd Maxamuud iyo Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).

Doorashada dhawaan ka dhaceysa deegaannada maamulka Somaliland ayaa waxaa ku tartamaya xisbiyadda ka jira Somaliland, wakiillada beesha caalamka ayaana kala shaqeeya Somaliland sidii ay u dhici laheyd doorasho daah-furan.

WARARKA