spot_imgspot_imgspot_img

Itoobiya oo kulan isugu keentay Dalalka Ciidamada ka joogan Soomalia + qorshaha.

Isniin 21-Octo-2024 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa abaabushay oo kulan isugu keentay Dalalka Ciidamada ku Tabaruca (TCC) ATMIS, si ay u diidaan wax loogu yeeray “isku dayga halka dhinac ah” ee Soomaaliya ee ku saabsan qaab dhismeedka howlgalka cusub ee AUSSOM ee beddelaya ATMIS.

Itoobiya ayaa ku adkeysanaysa in ay ka sii mid ahaato howlgalkaas.

Iyagoo carabka ku adkeeyay in ay diyaar u yihiin ka qayb galka AUSSOM, dalalka TCC, oo ay ay hogaamineyso Itoobiya, ayaa ku adkaysanaya in ay ka qayb qaataan samaynta howlgalka cusub, iyaga oo ku doodaya in aan la iska indho tirin wax qabadkooda Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka oo ay isugu yimaadeen Wasiirada Difaaca ee TCC, Aisha Mohammed, Wasiirka Difaaca Itoobiya, ayaa sheegtay in dalkeeda uu aad u doonayo inuu sii wado caawinta Soomaaliya si loo xasiliyo.

War-murtiyeedka wadajirka ah ee wasiirada, ayaa qiray in “wax-u-hurnimadii ay TCC 17-kii sano ee la soo dhaafay u sameeyeen la-dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya iyo xasilinta dalka” ay qayb weyn ka qaadatay “horumarinta iyo tayeynta hay’adaha dowliga ah ee Dowladda Federaalka. Soomaaliya.”

Hase yeeshee, si howlgalka cusub uu u guuleysto, wasiiradu waxay sheegeen in Midowga Afrika looga fadhiyo in ay dib u eegis ku sameeyaan dhaqaalihii ay ku bixin jireen, maadaama ay jirto hoos u dhac dhaqaale oo saameynaya howlgallada ka dhanka ah kooxda AS oo weli ka taliya dhul badan oo miyi ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta.

Marka ay noqoto aasaaska AUSSOM, wasiirrada gaashaandhigga waxay ku nuux-nuuxsadeen in “cashiradii laga bartay ATMIS si fiican loogu tixgeliyo geeddi-socodka haray” waxayna iftiimiyeen “baahida loo qabo in lagala tashado TCC naqshadeynta howlgalka AUSSOM.”

Soomaaliya ayaa horay uga soo horjeesatay ka qeyb galka Itoobiya ee howlgalka cusub, iyadoo ku eedeysay Addis-Ababa in ay ku xad-gudubtay madax-banaanida dhuleed iyo qarannimada kadib markii ay heshiis bad la gashay maamulka Somaliland.

Xaaladda ayaa cirka isku sii shareertay markii Masar ay Muqdisho u soo dirtay ciidamo milateri iyo shixnado hub ah, taasoo keentay in Itoobiya ay walaac ka muujiso ka guuritaanka ATMIS oo ay ku tilmaantay inuu yahay mid khatar ku ah gobolka.

Dhawaanna, Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea waxay shir saddex geesood ah ku yeesheen Asmara, halkaas oo ay ku heshiiyeen tallaabooyin kor loogu qaadayo awoodda Soomaaliya ee ilaalinta xuduudaheeda berriga iyo badda.

WARARKA