spot_imgspot_imgspot_img

Qareenka siyaasi mucaarad ah oo lagu Dilay Dalka Mozambique.

Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Qareenkii u doodayay nin mucaarad ah oo caan ka ah dalka Mozambique ayaa lagu toogtay magaalada caasimadda ah ee Maputo, isaga iyo sarkaal ay isku xisbi ka tirsan yihiin.

Elvino Dias wuxuu ahaa qareenka Venâncio Mondlane, kaasoo u tartamay madaxweynaha Mozambique isagoo matalaya xisbi siyaasadeed Podemos doorasho 10 maalmood kadib dhaceysa.

Dias ayaa la dhintay sarkaalka Podemos Paulo Guambe markii dabley ay weerartay gaarigooda.

“Waxaa si arxan darro ah loo fuliyay [dilkaas] dhiig qabow,” ayay tiri kooxda xuquuqda maxalliga ah ee Xarunta Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha (CDD).

Mozambique waligeed waxaa maamula hal xisbi – Frelimo – kaas oo xukumayay dalka ku yaalla koonfurta Afrika nus qarni tan iyo markii uu xornimada ka qaatay Portugal

WARARKA