spot_imgspot_imgspot_img

Xubin Ka Tirsaneed Daacish oo Lagu Dilay Puntland

Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Taliska Ciidanka PSF ee Puntland ayaa sheegay in ay hawlgal ciidan ku qabteen sarkaal ajnabi ah oo ka tirsan mileeshiyaadka Daacish ee ku sugan gobolka Bari.

Muuqaal kooban oo uu baahiyay Taliska Ciidanka PSF ayuu ka soo muuqday Cabdalla Mustaf Abu-deyr oo magaciisa af-garasho ku sheegay Saalim, kaasi oo sida uu xaqiijiyay ka tirsan kooxaha Daacish.

Cabdalla Mustaf Abu-deyr ayaa sheegay, in si uu ugu biiro mileeshiyaadka Daacish uu uga ka yimid magaalada Sakhniin ee Israa’iil, halkaasi oo uu jaamacad ku taalla ka baran jiray cilmiga Injineerinka.

“Magacaygu waa Cabdalla Mustaf Abu-deyr, magacayga af-garashaduna waa Saalim, waxaan baran jiray kulliyada Injineerinka jaamacad ku taalla magaalada Sakhniin ee Israa’iil” ayuu yiri Cabdalla Mustaf Abu-deyr.

“Waxaan soo gaaray buuraha Daacish ku sugan yihiin waxaana halkaasi igu sugayay shan xubnood oo ka tirsan Daacish, waxayna i keeneen meel la dhaho Istiqbaal halkaasi oo aan tababar ku qaatay” ayuu sii raaciyay Abu-deyr.

Qabashada sarkaalkani ayaa imaanaysa, iyadoo ay dhawaan soo baxday warbixin amni oo sheegaysa in ay sii kordhayaan xubnaha ajnabiga ah ee ku biiraya mileeshiyaadka Daacish ee Soomaaliya.

WARARKA