spot_imgspot_imgspot_img

Puntland oo eedeymo layaab leh ujeedisay dowladda soomaaliya .

Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo sheegay inuu aad ula socdo warbaahinta iyo arrimaha lagu faafiyo baraha bulshada ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey inay ka shaqeyso suurad xumeynta Puntland.

Madaxweyne Lugatoor ayaa sheegay in Puntland ay soo caayaan dhalinyaro ay dhaleen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in magacyadooda uu sheegi doono hadii aysan ka waantoobin arrintaas.

“Waxaa soo batay koox weriyaal u badan oo kooxo federaalka jooga ay u adeegsadaan in Puntland la caayo, in dadkeeda la isku diro, in Puntland iyo Khaatumo la isku diro iyo in umadaha kalaba la caayo, waxaa u badan team Youtubarro ah,” ayuu yiri Madaxweyne Lugatoor.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay inuu ka xishoonayo in magacyada xubnahaas uu sheego, “Facebookyo badan ayaa loo furay qof kasta, si looga soo wada caayo Puntalnd.”

“Waxaa jira ciyaalo madaxda qaar ay dhaleen, hadaan la deyn cayda Puntland waan soo bandhigi doonaa magacyada xubnaha ka shaqeeya waxaas, waxaan is lahaa Soomaaliya waa ka gudubtay dhaqankaas, laakiin mar kasta oo hormarka Puntland lasoo bandhigo, ragbaa soo caaya oo shaqo ka dhigtay,” ayuu hadalkiisa ku soo daray Ilyaas Lugatoor.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa weriyaasha deegaanada maamulkaas ku nool ka codsaday inay buunbuuniyaan wararka ku saabsan deegaanada Puntland, gaar ahaan kuwa quseeya maamulka.

“Wararka Federaalka ee aad buunbuunisaan iska daaya ee kuwa dowladiina qora weriyaashiina reer Puntland, warbaahinteena oo dhan mid federaalka u shaqeysa ayey noqoneysaa, teamkiina media-ha idinkaan masuul ka ah reer Puntland iyo hormarkooda, inta aan cunto cuno inta aan wararkiina eegaa ka badan,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

WARARKA