spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Saraagiil Booqatay Ciidamo Dhawan AS la Dagaalamay

Sabti 19-Octo-2024 {HMC} Taliyaha Qeybta 60-aad CXDS Generaal Hassan Baydhabo ayaa maanta booqasho dhiirigelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ee fadhigoodu yahay deegaanka Lukugooraw, halkaas oo habeenkii khamista ahayd ee 17-10-2024 ay ka fuliyeen howlgal tariikhda galay oo lagu dilay in ka badan 20 AS ah.

Taliyaha guutada 9-aad G/le dhexe Yoonis aadan Xasan ayaa ugu horeeyn Taliyaha Qeybta ugu waramay Guud ahaan xaalada ciidanka iyo Howlgalada ka socda Gobolka Bakool.

Taliyaha Qeybta 60-aad oo uga mahad celiyay Ciidamada geesiyada ah guusha ay ka gaareen dagaalkaas, isagoo xusay in guushaas ay tahay mid ay ku faanayaan dhammaan ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in la joogteeyo oo halkeeda laga sii wado.

WARARKA