spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRDA} Abdixaashi oo Shir Gudoomiyay Kulanka Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare

Sabti 19-Octo-2024 {HMC} Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka todobaad ee Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa dib u qaabaynta ajandayaasha Golaha Aqalka Sare.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) ayaa ugu horreyn warbixin looga dhagaystay Guddoomiyaasha guddiyada arrimaha Bulshada iyo Garsoorka, kuwaas oo faahfaahiyay halka ay marsiinayaan waajib gudashada hindise sharciyeedyada kala ah Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ay ka shaqaynayaan Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare iyo sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada oo ay ka shaqaynayaan Guddiga Garsoorka Aqalka Sare, waxayna xuseen in ay dhowaan fadhiga golaha guud horkeeni doonaan, si loo marsiiyo akhrinta labaad.

Sidoo kale xubnaha guddiga joogtada ah ayaa dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay jadwalaynta ajandayaasha kale ee Golaha horyaala, si looga shaqeeyo inta aan la xirin kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11.

Ugu dambeyn Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyay shaqada ay hayaan guddiyada Golaha Aqalka Sare, wuxuuna go’aamiyay in la jadwaleeyo sharciyada Golaha horyaala, si loo gudo-galo ka doodistooda, maadaama waqti kooban uu ka harsan yahay xiritaanka kalfadhiga shanaad.

WARARKA