spot_imgspot_imgspot_img

Dab ka kacay saxdii dhaxe ee xalay Magaalada Baladweyne.

Sabti 19-Octo-2024 {HMC} Faah Faahin dheerad ah ayaa kasoo baxeeyso Xalay abaare 1:00 Habeenimo dab ka kacay guri ku yaalo xaafada Xaawo taako laabta Buulo Xaabley ee magaalada baladwayne. Si rasmi ah looma oga waxa sababay in uu dabkaan in uu kaco, balse ma gaysan wax qasaaro nafeed ah marka laga reebo qasaaro hantiyadeed bur-bur hantiyadeed.

Ismaaciil ali Hassan Seedani oo daganaa Guriga uu dabka ka kacay oo la hadlay warbaahinta Hiiraanweyn waxa uu sheegay in lagu guulaystay daminta dabkan inta uusan gaarin guryaha kale.

waxa uu sheegay in uu la xariiray kooxda Gurmadka deg-dega ah ee dab damiska Magaalada ayna soo gaareen goobta u dabka ka kacay kuna guulaysten yaraynta qasaaraha hantiyeed ee halkaasi ka dhashay.

qalabka dab damiska ayaana door muhiim ah ka qaatay yaraynta iyo xakamaynta qasaraha goobaha uu dabka ka kaco. waxaa la tababaray dhalinyaro kuwas oo si joogta ugu shaqaynaysa bulshada iyagoona heegan ah 24 saac, waxaana fadhigoodu yahay Deegaanka Ceeljaale ee Duleedka Magaalada .

waa markii labaad muddo todobaad gudahood ah uu dab ka kaco magalada baladwayne labadaas jeerna waxaa xakamaynta dhalinyarada sida Mutadawacnimada leh uga shaqeeyso Arintan ee gurmadka deg-dega ah.

WARARKA