spot_imgspot_imgspot_img

ciidamada Isra’il oo duqeymo cirka ka fuliyay xerooyinka qaxootiga ee Gaza.

Sabti 19-Octo-2024 {HMC} Falastiiniyiin ah lagu dilay 85 kalana ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ay ciidamada Isra’il Jimcihi shalay ku garaaceen guryo ku yaalla xerada Jabaaliya oo ah kaamka ugu weyn xerooyinka qaxootiga ee Gaza.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in taangiyo lagu gubo guryaha qaar isla markaana lagu burburiyay waddooyinka.

Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in tirada dhimashada ay intaasi ka badan karto maadaama laga cabsi qabo in dadka qaar ay wali ku hoos jiraan burburka hoostooda. Wakaaladda wararka Falastiin ee loo soo gaabsho WAFA ayaa sheegtay in dadka la dilay ay ku jiraan carruur.

Ma jiro war war ah oo kasoo baxay dhinaca Isra’il oo ku saabsan dilka dadkaasi Falastiiniyiinta ah.

Laakin Israa’iiliyiintu waxay sheegeen in howlgallo ay ka socdeen Jabaaliya labadi todobaad ee lasoo dhaafay, kuwaas oo ay ku sheegeen in ay ku dileen tobnaan ka mid ah dagaalyahannada Xamaas.

Khamiisti waxay sheegtay Isra’il in ay dishay hogaamiyihii Xamaas Yaxya Sinwar.

WARARKA