spot_imgspot_imgspot_img

Kaaraan oo 2-0 dirtay Gubadley ciyaarta kama dambeysta koobka degmooyinka gobolka Banaadir

Jimco 18-Oct-2024 {HMC}  Ciyaar xiiso leh ayaa goordhawayd ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho taas oo ahayd kama dambeysta koobka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Kooxda kubadda cagta ee degmada Kaaraan ayaa 2-0 uga adkaatay kooxda degmada Gubadley, waxayna labad goolba dhaliyeen qaybtii hore ee ciyaarta.

Taranka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir oo ay weheliso degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa soo bilowday sideedii bishii hore ee September, waxana maalmaha la ciyaarayo u daawasho taga kumannaan dadweyne ah oo ciyaarraha xiiseeya.

Kooxda kubadda cagta ee degmada Kaaraan ayaa afar dhammaadka tartanka ka soo adkaatay kooxda degmada Dharkenley, waxayna galin kii dambe ee maanta ku guuleystay horyaalnimada kooxaha degmooyinka gobolka Banaadir markii ay garaacday Gubadleey. Koobka ayaa la gudoonsiiyay kooxda Kaaraan.

WARARKA