spot_imgspot_imgspot_img

Waa Kuma Madaxweyne ku xiigeenka Cusub ee Dalka Kenya oo Bedelaya Rigathi Gachagua?

Jimco 18-Oct-2024 {HMC} Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa madaxweyne ku xiigeenka dalka u magacaabay Prof Kithure Kindiki, kaas oo bedeli doona madaxweyne ku xiigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua, kaas oo ay xilka ka qaadeen xildhibaanada iyo senetarda dalka.

Kithure Kindiki, oo haatan ah wasiirka arrimaha gudaha, ayaa waxaa uu u baahan doonaa in baarlamaanku ansixiyo, ka hor inta uusan la wareegin xilka madaxweyne ku xiigeenka dalka.

Baarlamaanka dalka ayaa ku qasban inay u codeeyaan magacaabsitiisa muddo 60 maalmood ah gudahood kadib markii la soo gudbiyo magaciisa.

Rigathi Gachagua ayaa xilka laga qaaday kadib markii lagu eedeeyay in uu hanti ku helay qaab musuqmaasuq ah.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale ku eedeeyay Rigathi Gachagua inuu ku dhaqmayo siyaasad isir ku saleysan oo uu ku wiiqayo dowladda.

WARARKA