Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Netanyahu oo u digay Xamaas ka dib dilkii Yahya Sinwar

Jimco 18-Oct-2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka hadlay dilka hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar isagoo yiri, “Tani waa bilawga maalinta xigta ee Xamaas.”

“Argagixisada waxaa soo gaartay dharbaaxo culus, laakiin hawsha ina hortaala weli ma dhammaan,” ayuu yiri Netanyahu oo ka hadlayey farriin muuqaal ah oo la duubay.

Netanyahu ayaa dilka Sinwar ugu yeeray “Waqti muhiim u ah dagaalka,” isagoo u sheegay dadka deggan Gaza inay “fursad” u tahay ugu dambeyn iney ka xoroobaan Xamaas.

Wuxuu ammaanay ciidamadii fuliyay howlgalka lagu dilay Sinwar, wuxuuna u sheegay qoysaska la haystayaasha weli lagu haysto Gaza inay ka go’an tahay in Israa’iil ay sii wado dedaalka guryahooda loogu soo celinayo.

Netanyahu ayaa uga digay hogaamiyayaasha kale ee Xamaas in la baabi’in doono, wuxuuna ugu baaqay kuwa haysta la haystayaasha Israa’iil inay hubka dhigaan oo ay soo celiyaan la haystayaasha, isagoo sheegay in ciddii sidaas yeesha loo oggolaan doono inuu baxo oo noolaado.

“Hadda way u caddahay qof walba, Israa’iil iyo adduunkaba, sababta aan ugu adkaysanaynay inaanan joojinayn dagaalka,” ayuu yiri Netanyahu.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen afhayeenka ciidamada Israel iyo hay’adda amniga gudaha ee ShinBet ayaa lagu sheegay in hogaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar la dilay intii uu socday howlgal ka dhacay koonfurta marinka Gaza.

“Ciidan ka tirsan guutada 828-aad, oo ka hawlgalay deegaanka Gaza, waxay ogaadeen oo meesha ka saareen saddex argagixiso oo ku jiray Sinwar” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida fudud ee Sinwar loo dilay ayaa lama filaan iyo yaab ku noqotay Israel iyo caalamka intiisa kale, wuxuuna geeriyooday isagoo watay qori rasaas iyo bambooyin lana dagaalamaya ciidamada Israel taasoo khilaafsan filashadii ay qabeen dad badan oo aheyd inuu ku dhuumanayo god ama tunel.

WARARKA