Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Waa kuma Abwaan Sugaal Cabdulle oo Maanta lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho?

Khamiis 17-Oct-2024 {HMC} Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar oo maanta ku geeriyooday qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa abwaannada Soomaaliyeed oo caan ku ah curinta maansooyinka noocyada kala duwan sida gabayga, geeraarka, iyo jiiftada.

Waxa uu sidoo kale curiyey riwaayado iyo heeso badan.

Mid ka mid ah riwaayadaha uu curiyey waa “Magaalo Joog Xumo,” taas oo si weyn loogu yaqaan, waxaana dadka Soomaaliyeed ay si wadajir ah u aqoonsan yihiin tayada iyo qiimaha ay leedahay. Sugaal Cabdulle Cumar wuxuu ka mid ahaa kooxda Heegan, oo ahayd mid ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Abwaanku wuxuu si qoto dheer u jecelaa in Soomaaliya ay hesho nabad, waxaana cadeyn u ah in uu weligiis ku noolaa wadanka, inkastoo ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo uu la kulmay.

Sugaal Cabdulle Cumar wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu ku bilaabay fanka iyo curinta, isagoo xilligaas ku ciyaari jiray dhaanto. Kadib, wuxuu u soo ambabaxay Muqdisho, halkaasoo uu ka mid noqday kooxda Heegan, oo uu madax u ahaa allaha u naxariisto Cabdi Bashiir Indha Buur.

Abwaanku maansooyinkiisa waxaa ka muuqan jiray sida uu bulshadiisa ula jeclaa wanaaga, waxaa kamid ahaa “Qabyaaladda Waa Lagu Caloobaa” iyo “Anigu Soomaali Baan Ahay”.

Sugaal Cabdulle Cumar sidoo kale wuxuu ka soo jeedaa qoys hal abuur leh, isaga oo Ayeeyda Hooyadiisa Barni Deyr, iyo Aabihiisa Cabdulle Cumar ay ahaayeen Maanso yahanno, halka ay walaalo ahaayeen Liiban Cabdulle Cumar iyo Gallad Cabdulle Cumar, oo labaduba leh hal abuur heer sare ah.

WARARKA