Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiro in in la dilay hogaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar?

Khamiis 17-10-2024 {HMC} Sida laga soo xigtay telefishinka Israa’iil ee Channel 12 Militariga Israa’iil ayaa ku wargeliyay Golaha wasiirrada iyo waddamada gobolka in la dilay hoggaamiyaha Xamaas, Yaxye Sinwar.

Wargeyska New York Times, ayaa ku warramay inay saraakiisha Israa’iil u sheegeen meydka qofka looga shakisan yahay inuu yahay hoggaamiyaha Xamaas, Yaxye Sinwar in loo gudbiyay Israa’iil si loogu sameeyo baaritaanka DNA.

Telefishinka Israa’iil ee Channel 12 ayaa sheegay dhammaan baaritaannada lagu sameeyay meydka goobta ay duqeynta ka dhacday ee koonfurta Qasa inay muujinayaan inuu yahay Yaxye Sinwar.

Shabakadda ku hadasha afka Israa’iil ee Kann, ayaa ku warramaysa in weerarka ka dhacay koonfurta Qasa lagu dilay Yaxye Sinwar, iyagoo sheegay in ciidanka Israa’iil ay ku sugnaayeen goob ku dhow halka uu weerarka ka dhacay oo ay kula kulmeen xubnaha Xamaas.

Sawirro la sheegay in ay muujinayaan meydka hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar ayaa si weyn ugu faafaya baraha bulshada.

Ma jirto ku dhawaaqis rasmi ah oo dhinaca Israa’iil ah, sidoo kale dhinaca Xamaas ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay illaa hadda

WARARKA