Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Waatuma Gabadha Soomliga ah oo ku Guuleesatay Doorasho ka Dhacday dal Yurub katirsan?

Khamiis 17-10-2024 {HMC} Gabar asalkeeda Soomaali yahay, balsa heesatada dhalashada dalka Holland , ayaa ku guuleesatay doorasho muhiim aheyd oo ka dhacday magaalada Leuven, waxa ayna gabadhan hormuud u noqotay gabdhaha Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool.

Sahra Mohamed Khaliif, oo kamid ah Soomaalida dalka Holand, ayaa ku guuleysatay kursiga baarlamaanka ee gollayaasha deegaanka magaalada Leuven ee dalka Holand, waxa ayna gabadhan Soomaaliyeed ka guuleesatay xubno kale oo kursigan kula tartamay.

Gabadhan Soomaaliyeed ee la doortay ayaa wareysi ay bixisay ku sheegtay in ay ku faraxsan tahay guusha ay doorashada ka gaartay, waxa ayna xustay in wax badan usoo qabatay dadka kunool magaalada Leuven , gaar ahaan dadka soo galootiga ah ay ku jiraan Soomaalida.

Sahra Mohamed , ayaa sidoo kale sheegtay in ay furi doonaan xarumo wax badan loogu qabto dadka xanuunada maskaxda qaba iyo kuwa xaaladaha kale ay lasoo darsaan. Waxa kale sheegtay in ay ka shaqeyn doonaan in gabdhaha Muslimiinta loo oggolaado in xijaabka u xirtaan goobaha qaar.

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay oo Muslim ah, Soomaali ah isla markaana soogalooti ah oo jagadaasi ku guuleysta gobolkeeda, waxa ayna aheyd gabadha kaliya ee Soomaaliyeed ee kursiga golaha deegaanka ee Leuven u tartanta.

WARARKA