Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ganacsato Udhashay Dalka Masar oo Mashaariic Waaweeyn Ka Hirgilinayo Soomaaliya

Arbaco 16-10-2024 {HMC} Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxmuud Cabdiraxman Faarax Beenebeene, ayaa sheegay in dalka ay kusoo wajahan yihiin Wasiirka Wasaaradda Dekedaha dalka Masar, H.E. Kamel El Wazir iyo ganacsato u dhashay dalka Masar.

Ujeeddada safarka Wasiirka Dekadaha Masar iyo ganacsatada la socota ayuu ku sheegay Wasiir Beenebeene in ay dalka Soomaaliya ka hirgelinayaan mashaariic waaweyn, iyagoo maalgashiyo ku samaysan doona dekedaha dalkeenna.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay u aragto xiisaha sii kordhaya ee maalgashadayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah fursad , isagoo xaqiijiyay booqashooyinka wafdiga Masar ee dhawaan imaanaya dalka ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sahaminta fursadaha maalgashi ee dalka.

Soomaaliya iyo Masar, ayaa xilligan leh xiriir aad u weyn, waxa ayna labada dal kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah iyo iskaashiyo labada dalbana faa’iido u ah, waxaana la sugayaa ganacsatada u dhalatay Masar in ay maalgashi ku sameeyaan dekado kuyaalla dalkeenna.

WARARKA