Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Sirdoonka Israa’iil oo sheegay cidii ka dambaysay qaraxii ka dhacay Tel Aviv.

Arbaco 16-Octo-2024 {HMC} Hay’adda sirdoonka gudaha Israa’iil ee Shin Bet iyo Booliiska maamulkaasi , ayaa ku eedeeyay in dowladda Turkiga wax ka maleegtay qarax gaari loo adeegsaday oo 18-kii bishii Agoosto ee sannadkan ka dhacay magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil.

Qoraal wadajir ah ay soo saareen sirdoonka Israa’iil iyo booliiska , ayaa lagu sheegay in dalka Turkiga laga soo abaabulay qarax fashilmay oo ka dhacay magaalada Tel Aviv, kaa oo la sheegay in la doonayay in waxyeelo xooggan lagu gaarsiiyo Israa’iil.

Sirdoonka Israa’iil ayaa sheegay in qaraxan laga soo abaabulay Turkiga uu ka dhacay meeshii loogu tala galay meel aan aheyn, waxa ayna sheegeen qofka lagu tuhmayo weerarkan fulintiisa in uu xiriir la sameeyay sargaal katirsan Xamaas oo ku sugan dalka Turkiga .

Maamulka Israa’iil ayaana qoraalka kasoo baxay sirdoonkooda lagu sheegay in xarumo kuyaalla dalka Turkiga oo leeyihii kooxda Xamaas lagu diyaariyo weeraro iyo qaraxyo ka dhan ah Israa’iil, hadalkaas oo wali aysan dowladda Turkiga ka jawaabin.

WARARKA