Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Talyaaniga oo sharaxay sababta ka dambaysa hakinta baasaboorka Somalia.

Arbaco 16-Octo-2024 {HMC} Dowladda Talyaaniga ayaa faah-faahisay sababta ay u joojisay dal ku-galkii lagu bixin jiray basaboorka Soomaaliga kaas oo dhawaan ay safaraadda Talyaaniga ee Muqdihso joojisay.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Pier Mario Daccò Coppi oo magaalada Rome kula hadlayey wariyaasha ayaa sharaxay sababta ay tallaabadaas u qaadeen.

Shurki Siciid oo ah wariye madaxbanaan oo deggan Roma kana mid ahayd wariyaal su’aalo waydiiyey safiirka ayaa sheegtay in safiir Pier Mario Daccò Coppi uu gaashaanka u daruuray in sababta loo joojiyay ay la xiriirto arrimo siyaasadeed.

Wuxuu sheegay in hakinta ay la xiriirto farsamo dhanka maamulka ah ayna wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga ay hadda si toos ah ugu hawlan tahay oo ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku xaliso.

“Maya sax ma ah in sidaa loo dhigo, waa joojin kooban, waana arrin maamul iyo qabanqaabin ku leh waaye, laakiin haba yaraatee wax siyaasad ku lug leh ma ahan waa arrin wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga ay il gooniya ku hayso ayna sida ugu dhaqsiyaha badan ku xallineyso,” ayuu yiri.

Safiirka ayaa ka digay in marnaba aan arrinta la siyaasadeyn.

Dowladda Talyaaniga ayaa bishii September joojisay dal ku galkii Schengen ee la siin jiray muwaadiniinta Soomaalida ee doonayo inay u safraan qaaradda Yurub.

Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa qoraal ay markaas ku daabacday barteeda X (Twitter) ku sheegtay in safaaradda Nairobi ay joojisay soo saarista fiisayaasha ay soo dalbanayaan dadka haysta baasaboorka Soomaaliga.

“Waxaa la ogeysiinayaa dadweynaha in safaaradda Talyaaniga ee Nairobi ay joojisay soo saarista fiisaha Schengen, waxayna tani saameynaysaa dhammaan codsiyadaas shaqsiyaadka u gudbiyay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri war kooban oo ay soo saartay safaaradda.

Qoraalka safaaradda ayaana markaas laguma sheegin sababta loo joojiyay in fiisaha Talyaaniga iyo qaarada yurub. Safaaraddu waxay kaloo qoraalka ku sheegtay inay ogaysiisay wasaaradda arrimaha dibada ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Bishii Julay ee sanadkan Midowga Yurub ayaa soo jeediyay in la adkeeyo dal ku galka la siiyo dadka haysta Baasaboorka Soomaaliga.

Ujeedada talaabooyinkan ayaa lagu sheegay in Soomaaliya culeys lagu saaro in dib loogu soo celiyo dadka aan waddada saxda ah ku gelin dalalka Midowga Yurub.

Goluhu waxa uu u baahan yahay baa lagu yiri warbixintaan, “inuu ansixiyo soo jeedinta ka hor inta aan la soo bandhigin qorshahaan”.

Soo jeedinta Guddiga Midowga Yurub ayaa waxaa ka mid ah in la adkeeyo tAllaabooyinka dal ku galka lagu siinayo muwaadiniinta Soomaaliya.

WARARKA