Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Sooomaliya oo Ka Qeeyb Gashay Shirka Xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka.

Talaado 15-10-2024 {HMC}  Geneva-Switzerland October, 15, 2024: Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri oo uu wehliyo xoghaye kuxigeenka Golaha Aqalka Sare ayaa ka qeyb galay kulanka guud ee Xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka kulankiisa 149-aad oo lagu qabtay Magaaladda Geneva ee wadanka Switzerland.

Shirka ayaa warbixin looga dhageystay Golaha urur ay ku mideysanyihiin xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka,waxaana sidoo kale shirka looga dooday Barnaamijyada horumarineed ee ay Baarlamaanadda sameeyaan.

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa aad uga dooday horumarinta iyo isku dubaridka howlaha golaha ay ku mideysanyihiin Xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka,waxaana sidoo kale
Shirka lagu soo bandhigay sida looga faa’ideysan karo Garaadka Macmalka ah ( Artificiall intelligence ) AI.

WARARKA