Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxey Tahay Sababta loo Kala Diray Golihii deegaanka Degmada Xudur?

Isniin 14-Oct-2024 {HMC}  Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Xaaji Xasan, ayaa kala diray guddoonka iyo golaha deegaanka ee degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kadib markii lagu eedeeyay shaqo xumo iyo wadashaqeyn la’aan dhaxdooda ah.

Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arrimaha gudaha Koonfur Galbeed, ayuu ku sheegay sababaha shaqada looga joojiyay guddoonka iyo golaha deegaanka Degmada Xudur ay tahay khilaaf iyo wada shaqeyn xumo dhaxdooda ah, taas oo curyaamisay howlihii maamulka iyo adeegga bulshada.

Wasiirka ayaana si KMG ah u magacaabay guddi fuliya siina qabta xilalkii iyo shaqadii golaha deegaanka degmada Xudur, waxa uuna xusay wasiirka in muddo saddex bilood gudahood lagu soo dhisi doono golle deegaan cusub oo yeelato xarunta gobolka Bakool ee Xudur.

WARARKA