Wednesday, October 16, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Is rasaaseyn khasaaro badan geesatay oo ka dhacay magaalada Badhan.

Isniin 14-Oct-2024 {HMC} Iska horimaad khasaaro geestay ayaa saakay ka dhacay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaana wali halkaasi laga soo sheegayaa in ay ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamo kale oo sheegtay Maakhir State.

Sida aan wararka ku helnay is raasaasaynta saakay ka dhacday magaalada Badhan ayaa ka dhalatay , kaddib markii loo diiday magaalada in ay galaan guddiga siyaasadda Maakhir, kuwaasi oo maalmahan socdaal ku marayay degaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

Inta la xaqiijiyay laba askari oo kamid ahaa ciidamada dagaallamay ayaa ku dhaawacantay is rasaasayntaasi oo ka dhacday duleedka waqooyi ee degmada Badhan, waxaana wali taagan cabsi laga qabo in mar kale ay dagaallamaan labada dhinac.

Wafdigii doonayay in ay galaan magaalada Badhan , ayaa wali jooga bannaanka magaalada , waxaana loo diida in ay gudaha magaalada galaan iyaga oo huwan magac maamul ahaan kan Puntland oo magaaladaasi maamula.

WARARKA