Wednesday, October 9, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Israa’iil oo qaadatay go’aan adag oo Mareykanka ka careysiiyay

Arbaco 9-Oct, 2024 {HMC} Ra’isul Wasaaraha maamulka Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa lagu waramayaa in uu dowladda Mareykanka ka diiday in uu siiyo xog faah faahsan oo ku aadan goobaha u qorsheesay in milatariga Israaiil in ay ka weeraraan dowladda Iran.

Maamulka Israa’iil ayaa qorsheenaya in weerar aargudasho ah ku qaadaan dalka Iran, oo maalmo kahor weerar loo adeegsada madaafiic culus ku qaaday gudaha Israa’iil, gaar ahaan saldhigyo ay leeyihiin ciidanka kala duwan ee Israa’iil.

Wargeyska Wall Street Journal , ayaa qoray in Ra’isul Wasaaraha Israa’iil sidoo kale baajiyay safar uu dalka Mareykanka ku tagi lahaa Wasiirka Gaashaandhiga Israa’iil , si uusan wasiirka xogta weerarka ay ku qaadayaan Iran ula wadaagin dowladda Mareykanka.

Mareykanka oo ka carooday go’aanka Netanyahu ku doonayo in weerar aargudasho ah ku qaado Iran, taa uu Mareykanka ka cabsi qabo in colaad hor leh ka qaraxyo Bariga Dhaxe, waxa uuna Mareykanka ku wargalisayay Israa’iil in iyana dhankooda isku filnaadaan iskana difaacaan weerarada lagu soo qaadi karo.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaana lagu wadaa in wadahadal dhinaca telfoonka ah la yeesho Ra’isul Wasaaraha Israa’iil , si uu ugala hadlo ugana digo weerarka ay qorsheenayaan in ay ku qaadaan Iran, iyo cabsida laga qabo in jawaab celin iyo dagaal culus isku beddelo weerarka Israa’iil qorsheeneyso.

WARARKA