Wednesday, October 9, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Doowladdaha Qatar iyo Soomaaliya oo xoojinaya iskaashiga dhinaca ammaanka ee u dhaxeeya

Arbaco 9-Oct, 2024 {HMC} Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Abdullahi (Asad Diyaano), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya, Dr. Cabdullahi Binu Salem Al Nuaimi.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga ee labada dal, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaallanka argagixisada iyo taageerada dowladda Qatar ee dhinaca tababarada iyo qalabaynta ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen doorka dowladda Qatar ee ku aaddan horumarinta tayada ciidanka iyo xaqiijinta nabadgelyada gudaha Soomaaliya, si loo adkeeyo amniga iyo wada shaqeynta labada dal ee dhinaca booliiska.

Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Asad Diyaano , ayaa maalmahan wada kulamo uu la qaadanayo qaar kamid ah safiirrada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaa uu kala hadlayay taageerada ay siiyaan ciidanka booliiska Soomaaliya.

WARARKA