Wednesday, October 9, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiri in Puntland aay ka diiday qorsho DFS ay ciidamo uga qoran layaaheen Puntland?

Arbaco 9-Oct, 2024 {HMC} Maamul goboleedka Puntland , ayaa ka biyo diiday qorshe dowladda Federaalka Soomaaliya ciidamo uga qoran laheyd deegaannada maamulkaasi , ciidankaasi oo dowladda ugu tala gashay in ay ka howlgalaan Puntland ayna la dagaallamaan Al Shabaab iyo Daacish.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla, ayaa sheegay in Madaxtooyada Puntland diiday in ciidamo kamid noqda xoogga dalka Soomaaliya laga qoro deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Waxa uu ku eedeeyay wasiirka madaxda maamulka Puntland in ay siyaasadeeyeen arrimaha ciidamada , waxa uuna sheegay in maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira ay joogaan kana howlgallaan ciidamo katirsan milatarigaSoomaaliya.

“Ciidanka qaranka ee loogu talagalay in deegaanada Puntland laga qoro waxaa diiday Puntland. Hadda marka aan kula hadlaayo guutooyinkii loogu talagalay inay 54-aad ka howlgalaan deegaanadaas in maamulka Puntland uu hortaagan yahay oo sida 43-aad ay Kismaayo u joogto oo 60-aad ay Baydhaba u joogto ciidankii loogu talagalay Puntland inay ka howlgalaan waxaa hortagaan maamulka” ayuu yiri Cabdiraxmaan Al Cadaala.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan tabashooyin badan oo maamulka Puntland ka qabo dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna xusay in tabashooyinka yihiin kuwa la xallin karo, balse loo baahan yahay in dowladnimada ay ka shaqeyso Puntland sida maamulada kale.

WARARKA