Wednesday, October 9, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheikh oo kusii jeedo xerada ciidanka danab ee Balidoogle.

Arbaco 9-Oct, 2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqan doono xerada ciidanka Mareykanka ee Balidoogle, halkaas oo sidoo kale lagu tababaro ciidanka Danab.

Lama shaacin ujeedka safarka madaxweynaha ee Balidoogle, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in halkaas uu kula kulmi doono saraakiisha Mareykanka ee gacanta ku haya xeradaasi, isaga oo kala hadli doono dagaalka AS iyo taageerada ciidanka Xoogga.

Sidoo kale warar kale oo madax bannaan ayaa ku warramaya in madaxweynuhu uu ka qayb-galayo munaasabad ay ku qalinjabinayaan ciidamo cusub oo tababar ku dhameystay xerada Balidoogle, kuwaas oo kamid noqonayo kumaandooska ee Danab.

Horay xeradan waxaa u booqday ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan halkaasi.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka AS, waxaana ciidamo boqalaal ah iyo saraakiishooda ay joogaan xerada Balidoogle ee Shabeelaha Hoose.

Waxaa kale oo uu Mareykanka taageero milatari iyo tababar siiyaa ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab oo saldhiggooda ugu wayn uu yahay xerada Balidoogle.

WARARKA