Wednesday, October 9, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo waqti u qabatay itoobiya si ay ugu laabato hiishiiska badda.

Arbaco 9-Oct, 2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniintii ugu dambeysay oo la xiriirta heshiiska badda siisay dowladda Itoobiya, si ay uga laabato.

Xuseen Sheekh Cali oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in waqti badan dowladda federaalka ay siisay Itoobiya, balse aanu sameyn wax isbeddal ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in haatan la gaaray muddadii kama dambeys ahayd.

La-taliyaha amniga qaranka oo la hadlay Wargeyska The New Humanitaria ayaa xusay in Itoobiya ay u qabanayaan ugu dambeyn inay heshiiska Somaliland uga baxdo inta lagu guda jiro bishaan October ee sanadkaan 2024-ka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sii joogitaanka ciidamada Itoobiya ay ku xiran tahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan heshiiska badda ee Somaliland.

“Waxaan isku daynay inaan siino waqtiga ugu badan ee suurtogalka ah, laakiin waxaan u maleynayaa inay hadda soo dhowaaneyso ciidamada Itoobiya inay ka baxaan dalkeenna” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay weli ku socoto gardaro iyo boobka ka dhan Soomaaliya, kaas oo ay dareemayaan shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli weli halkeedii tahay xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhalatay heshiis Abiy uu horraantii sanadkan la galay Muuse Biixi.

Soomaaliya ayaa haatan qorsheyneysa inay dalka ka saarto ciidamada Itoobiya, sababo la xiriira xiisadda taagan, waxaana lagu beddali doono ciidamo Masaari ah oo qayb ka noqon doono howlgalka cusub ee beddalayo ATMIS, marka ay baxaan dhammaadka sanadkaan.

WARARKA