Wednesday, October 9, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Shirqoolo ay Iran ka dhex wado gudaha dalka Ingiriiska oo Laga Digay.

Talaado 8 Oct 2024 {HMC} Hay’adda sirdoonka Ruushka ayaa mudaba ku guda jirtay howl ay ku doonaysay in ay “qalalaaso joogto ah ka abuurto waddooyinka Ingiriiska iyo Yurub”, sida uu sheegay madaxa sirdoonka Ingiriiska ee MI5.

Isagoo bixinayay warbixintiisa sanadlaha ah ee khataraha ammaanka Ingiriiska, ayuu Ken McCallum wuxuu sheegay in wakiilada GRU ay fuliyeen falal ay ka mid yihiin “gubid, cuuryaamin iyo falal kale oo khatar badan oo ay ku sameeyeen qaab aan ka fiirsasho laahyn oo siyaado lahayd” oo ay ka sameeyeen gudaha Inigiriiska kadib marki UK ay Ukraine ku taageertay dagaalka ay kula jirto Ruushka.

MI5 ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay ka hortagtay 20 shirqool oo ay Iran dabada ka riixaysay oo dhacay tan iyo 2022, in kasta oo uu intaas raaciyay in inta badan shirqooladaas ay ku lug lahaayeen Islaamiyiinta xagjirka ah oo ay sii wheliso argagixisada garabka midig ee xagjirka ah.

Khatarahaan isku milan ee la xiriira argagixisanimada iyo kuwa kale ee ka imanaya dawladaha kale ayaa uga dhigan MI5 inay “gacmaha ku hayso shaqo ay faraha ugu gubteen”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Khudbad aad u dheerayd ayaa waxa uu ku yiri:

Waxa isi soo taraysa in dhallinyarad yaryar lagu dago xagjirnimo loo soo mariyo internet ka, iyadoo 13% kuwa baaritaanada la xiriira argagixisianimada lagu sameeyay ay yihiin kuwa ka yar 18 jir
Wadarta 43 shirqoollo goor dambe la maleegay oo loo adeegsan rabay hub iyo walxaha qarxa si “dil wadareed” loogu geysto dadka Ingiriiska ayaa fashiliyay tan iyo 2017 kii.
Tirada baaritaanada MI5 ee ku aadan khataraha ka imaanaya dowladaha kale ee ayaa kordhay 48%
Shaqada la dagaalanka argagixisanimada ayaa u kala qaybsantay “75% xagjirnimada Islaamiyiinta, 25% argagixisada garabka midig ee xagjirka ah”
Waxa jiray “aaminaad iyo fikrado kala duwan oo aad u qaab daran” oo ay noqotay in MI5 ay wax ka qabato, ayuu ku sheegay warbixin kooban oo uu ku bixiayay xarunta MI5 ee hawlgallada ka hortagga argagixisada ee ku taalla London.

“20-kii sano ee ugu horeysay ee shaqadeyda halkan waxaa jiray hanjabaado argagixisanimo. Hadda waxaan wajahaynaa kuwa ay barbar socdaan shirqoollo ay dowladdu taageeriyaan iyo cuuryaamino,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Kaalinta hogaamineed ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ee taageerada Ukraine waxay la macno tahay “waxaan aad ugu soo horjeednaa mala-awaalka foosha xun ee nidaamka uu hugaamiyo Putin” iyo in aan hadaba ka sii hortagayno falal duulimaad gardarro ah oo uu ku soo qaado ciidda Ingiriiska, ayuu si ka digitaan ah u yiri.

Heerka khatarta argagixisanimada ee Ingiriiska ee hadda waa mid sare – taasoo la micno ah in ay suurtogal tahay in weeraro dhacaan.

In ka badan 750 dublamaasiyiin Ruush ah ayaa laga eryay Yurub tan iyo markii Ruushku weeraray Ukraine, isagoo sheegay in “intooda badan” ay ahaayeen basaasiin, sida uu yiri McCallum.

Tani waxay saamaysay awoodda sirdoonka Ruushka, ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray in fiisayaasha diblomaasiyadeed loo diiday kuwa badan oo Ingiriiska iyo xulafadiisu ay u arkayeen basaasiinta Ruushka.

Xubno ka mid ah dublumaasiyiinta Ruushka ayaa waxay isku badaleen basaasiin goonidooda u shaqaysta iyo danbiilayaal si ay u qabtaan “shaqadooda wasakhaysan”, balse arrinkaan ayaa waxa uu sameeyay shaqooyinkoodii waxaana fududaatay in meesha laga saaro.

Inkasta oo McCallum uu si shaac baxsan marar hore uga hadlay khataraha Ruushka iyo Iiraan labadaba, balse horay sidan oo kale hadalo qaawankuma uusan eedeynin Moscow.

Khudbad uu hore uga jeediyay fagaareyaal ayuu kaga hadlay 10 shirqool oo ka dhan ah Ingiriiska oo ay maleegeysay Iran. Tiradaas ayaa hadda labanlaabantay, taasoo ka dhigan in dhaq-dhaqaaqa dawladda Iran uusan ahayn mid la dhaylsan karo.

Labada kiisba, Ruushka iyo Iran, madaxa MI5 wuxuu carabka ku adkeeyay in sababo la xiriiray in ay adkayd in la ogaado in dublumaasiyiin ay ayaga siiyeen ogolaansho ay arrintu iskuba badashay aduun kale oo ay ku naaloodaan kooxo danbiilayaal ah.

Dhanka Shiinaha, wuxuu sheegay in Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP) uu haysto barnaamij lagu xado xogta iyo macluumaadka Ingiriiska “waxaan aragnay 20,000 oo habab dahsoon ah oo ay shaqsiyaad u adeegsatay dowladda Shiinuhu.

XIGASHO BBC

WARARKA