Tuesday, October 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Doowladda oo War Kasoo Saartay Hoowlgalo AS Lagu Beegsaday

Talaado 8-Oct-2024 {HMC} War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 59 ka tirsan kooxda Al Shabaab lagu dilay hawlgalo ay horkacayeen Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya dadka degaanka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyey deegaano ku yaalla bariga Gobalka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalka koowaad oo lagu dilay 32 AS ah oo isugu jiray horjoogayaal iyo Xubno ka tirsanaa AS ayaa ka dhacay aagga Garilay oo u dhow deegaanka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi ku shahiiday afar askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hawlgalka labaad oo lagu laayay 27 AS ayaa wuxuu ka dhacay goob ay AS isku aruursanayeen oo ku taalla tuulada Yaaqle oo dhow deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi lagu burburiyay fariisinkii uu AS isku aruursanayay.

WARARKA