Tuesday, October 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne kuxigeenka Kenya oo maanta hortagaya baarlamaanka dalka Kenya.

Talaado 8-Oct-2024 {HMC} Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, ayaa lagu wadaa maanta oo Talaado ah in uu hortago baarlamaanka dalka Kenya, si uu halkaasi isaga difaaco mooshinka xil ka qaadista ay ka gudbiyeen xildhibaanno taageersan Madaxweyne William Ruto.

Rigathi Gachagua, oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo Madaxweyne Ruto ayaa laga diyaariyay mooshin la doonayo in xilka looga qaado, waxa uuna Madaxweyne kuxigeenka sheegay in uu hortagayo Baarlamaanka iskana difaaci doono mooshinka la doonayo in xilka looga tuuro.

Xildhibaannada mooshinka gudbiyay , ayaa ku eedeeyay Madxaweyne kuxigeenka dalka Kenya in uu sameeyay musuqmaasuq uuna lunsaday hanti badan, waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen in uu qeyb weyn ku lahaa dibadbaxyadii rabshadaha watay ee bilo kahor ka dhacay dalka Kenya .

Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya, ayaa gabi ahaan iska diiday si adagna u beeniyay eedeymaha loo jeediyay, waxa uuna sheegay in mooshinka laga gudbiyay iyo eedeymaha loo jeediyay yihiin kuwa siyaasadeysan uuna gadaal ka joogo Madaxweyne Ruto.

Rigathi Gachagua, oo kasoo jeeda gobolka ugu dadka badan ee dalka Kenya, ayaa William Ruto u kasbay codad aad u badan, waxa uuna hadda dareemayaa in la galiyay ciriiri siyaasadeed, xilli horey Madaxweynaha talada haya u ballanqaaday in uusan cariiri kii isaga la galiyay lamid ah uusan gelin doonin kuxigeenkiisa.

WARARKA