Tuesday, October 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Golaha Wasiirrada oo iskugu yimid kulan deg deg ah kuna ansixiyey ajendayal muhiim ah.

Talaado 8-Oct-2024 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shirkaan ayaa caawa cod loogu qaaday ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2025, taas oo dhan $1,342,476,311, waxaana lagu ansixiyey cod aqlabiyad leh.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo golaha horkeentay Miisaaniyadda, ayaa soo bandhigtay kororka jira iyo ilaha kala duwan ee dakhliyadu ka soo xaroonayaan.

Kororka miisaaniyadda marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783, ayaa waxaa siyaaday $263,160,528, oo u dhiganta koror dhan 24.4%.

Kordhinta dakhliga gudaha ee dowladda waxay saldhig u tahay qorshaha lagu xoojinayo amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha.

WARARKA