Isniin 7-Oct-2024 {HMC} Ugu yaraan 5 gantaal oo ay Xamaas ka riday Qasa ayaa ku dhacay magaalada Tel Aviv, kuwaasoo ka gudbay nidaamka difaaca Israel, kaddib markii la arkay inay si toos ah ugu dhaceen koonfurta magaaladaas
Warbixinnada ayaa lagu xaqiijiyay khasaare ka dhashay gantaallada ay Xamaas ku weerartay Tel Aviv, iyadoo qaar ka mid ah ay ku dhaceen meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Ben Gurion oo ah garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil.
Wargeyska ka soo baxa Haaretz, ayaa ku warramay inay gantaaladan Xamaas awood u yeesheen inay jiiraan nidaamyada difaaca Tel Aviv
Illaa hadda dhaawaca labo qof iyo burbur ay geysteen ayaa lagu xaqiijiyay warbixinta wargeyska, oo intaa ku dartay in gantaalada laga soo riday koonfurta Qasa gaar ahaan Khan Yunis, halkaasoo ay ku sugan yihiin militariga iyo sirdoonka ugu badan ee Israa’iil.
Gantaaladan waxay ku dhacayaan magaalada ugu muhiimsan Israa’iil, maalin ay sannad u buuxsantay weerarkii 7-dii Oktoobar & sanad ay marinka Qasa ku sugan yihiin ciidanka Israa’iil oo adeegsaday awood militari iyo sirdoon xad dhaaf ah, balse kama aysan hor istaagin 12 bilood inay Xamaas duqeymo la beegsato Tel Aviv.