Monday, October 7, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

doorashada madaxtinimada dalka Tunisia oo meel xasaasi ah marayso, xilli ay guulo…

Isniin 7-Oct-2024 {HMC} Taageerayaasha madaxweynaha hadda xilka haya ee dalka Tunisia Qeys Saciid ayaa xalay ku dabaaldagay waddooyinka magaalada caasimadda ah, kaddib marki ay natiijooyin hordhac ah muujiyeen in uu ku guuleysanayo doorashadi madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday Axaddii shalay.

Qeys ayaa doorashada kaga guuleystay laba murashax oo la tartameysay, kuwaas oo kala ah Zuheyr Magzawi oo ay mar xulafo wada ahaayeen balse isu baddalay mucaarad, iyo Cayaash Zaamel oo doorashada ka qeybgalay isaga oo xiran.

U soo bixisda codbixiyaasha ee doorashada ayaa aheyd 27.7%, taas oo aad uga yar doorashadi madaxtinimo ee sannadki 2019-ki. Natiijada rasmiga ah ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo caawa fiidkii.

Saciid ayaa natiijada hordhaca ah ka helay in ka badan 89 boqolkiica codadka ilaa iyo hadda la tiriyay. Khubad uu ka jeediyay telafishanka qaranka ayuu ku sheegay

Murashaxiinta la tartantay madaxweyne Saciid ayaa ku gacan-seyray natiijada soo baxday, iyaga oo ku adkeystay in natiijada rasmiga ah ay ka duwanaan doonto middan.

Qays Saciid ayaa loo doortay madaxweynaha Tunisia sannadki 2019, wuxuu maroorsaday inta badan awoodda waddanka, kaddib marki uu kala diray baarlamaanka sannadki 2021-ki isla markaana dib u qoray dastuurka, tallaabadaasi oo ay mucaaridka ku tilmaameen afganbi aan geed loogu soo gabban.

WARARKA