Sunday, October 6, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Doowladda Soomaliya oo Faah-faahisay Qorshaha Howlgalka Gaba-Gabada ah ee ATMIS.

Axad  6 Oct, 2024 {HMC}  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa ka faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay qorshaha howlgalka gaba-gabada ah ee ATMIS.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay kala wareegeen howlgalka nabbad ilaalinta ee ATMIS in kabadan 27 saldhig oo guud ahaan dalka kuyaalla, ayna rajeenayaan saldhigyada kale ee harsan in ay kala wareegaan.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed wajigii 3-aad wuu dhammeeyay, guud ahaan ATMIS in kabadan 27 goobood ayaa lagala wareegay, in intaas lamid ah ilaa 2024 waa la dhameystirayaa oo ay 3 bilood uun ka dhimantahay, kaas oo howgalka ku egyahay dhamaadka sanadkan” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay howlgalka cusub ee AUSOM, kaas oo bilaaban doono waxii ka dambeeyo sannadkan, isagoo sheegay inay socdaan arrimo farsamo ee lagu dhameystirayo howlgalka cusub ee bilaaban doono waxii dambeeyo bisha December ee 2024.

“Wadahal ku aadan howlgalka cusub ayaa waxaa noo socda anaga, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo hay’adahii kaalmeyn lahaa, waxay doodi ka taagneyd oo sidii u taagan tahay dowladda Ethiopia oo hadday ka laaban heshiis beenaadkii badda Soomaaliya kamid noqon doonin howlgalkaas oo ay dowlado kale booskaas buuxin doonaan” ayuu intaasi ku daray Wasiirka.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u diyaarsan la howgalka qorshaha cusub waxii ka dambeeyo December 2024 ,kaddib marka uu dhammaado howgalka ATMIS ee Soomaaliya, hadda ay ka harsan tahay wax yar, iyagoo dhanka kale hadda wado howlgalkii lagu soo afmeeri lahaa kooxda Al Shabaab.

WARARKA