Sunday, October 6, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wasiir Mooshin Laga Keenay oo Si Diiran Muqisho Loogu Soo Dhaweeyay

Axad 6 Oct, 2024 {HMC}  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, iyo wafdi uu hogaaminayo oo muddooyinkii dambe dalka dibadisa ku maqnaa ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiir Axmed Fiqi waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdishho kusoo dhaweeyay xildhibaanno katirsan Baarlamanaka , gaar ahaan kuwa katirsan xisbigiisa iyo xubno kale oo saaxiib la ah, qaar badan oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo dad kale.

”Soo dhaweynta ayaa daarneyd Bogaadinta iyo taageerada Wasiirka ee ku aadan Guulihii baaxadda lahaa ee uu ka gaaray muddadii uu kumaqnaa Socdalkiisa shaqo ee xarunta Qaramada midoobey, kaasoo intiisa badan lagu faaqiday Difaaca Madaxbanaanida iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriydda Federalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Soo laabashada Wasiir Axmed Fiqi iyo soo dhaweyntiisa ayaa kusoo aadeysa xilli mooshin isaga ka dhan ah loo gudbiyay guddoonka Golaha Shacabka, mooshinka ayaana ah mid lagula xisaabtamayo wasiirka oo lagu eedeeyay in uu dayacay shaqadii Qaranka uuna wasaaradda ka dhax abuuray khilaaf.

Dhoolatuskan uu maanta sameeyay Wasiirka Arrimaha Divadda Soomaaliya, ayaa ah mid uu ku muujinayo in uu heesto taageero iyo in la jecel yahay, hasa ahaatee dadka siyaasadda falanqeya ayaa aaminsan in soo dhaweyntan maanta lagu bixiyay qarash badan.

 

WARARKA