Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Isra’il oo duqeysay xarunta mukhaabaraadka Xisbullah

Sabti 5 Oct 2024 {HMC} Isra’il ayaa sheegtay in Jimcihi shalay ay duqeysay xarunta sirdoonka Xisbullah ay ku leedahay magaalada Beyrut, weerarkaas oo ay sheegtay in ay qiimeyneyso khasaaraha ka dhashay.

Saakay waabarigiina, qaraxyo ayaa laga maqlay nawaaxiga koofureed ee Beyrut, balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Ciidamada Isra’il ayaa soo saaray digniin ay u direen dadka ku nool saddex xaafadood oo ku yaalla dhinaca koofureed ee Beyruut.

Isra’il ayaa dhanka kale aanan wali ka jawaabin duqeymihi cuslaa ee dhawaan kaga yimid Iran. Iran ayaa ku dhawaad 200 oo gantaal oo ah nuuca baallistiga ku garaacday bartilmaameedyo ku yaalla Isra’il, kaas oo ay Iran ku sheegtay in ay uga jawaabeyso duullaanka ay Isra’il ku qaadday Lubnan.

Ilaa 1.2 milyan oo ruux ayaa ku baracakay duqeymaha iyo dagaalka ay Isra’il ku qaadday Lubnan saddexdi todobaad ee lasoo dhaafay.

WARARKA