Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo Kulan La qaatay Xildhibaanada Iyo Waxgaradka Puntland.

Sabti 5 Oct 2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatay Xildhibaanada heer Federaal, Siyaasiyiin iyo Wax garad kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland, kuwaasi oo si weyn usoo dhoweeyay mas’uuliyaddiisa cusub ee hoggaaminta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliye Asad ayaa Xildhibaanada iyo mas’uuliyiintaan uga mahad celiyay soo dhoweynta diiran, isla markaana ka guddoomay hambalyada iyo taageerada ay u muujiyeen, waxa uuna ka dalbaday in ay garab istaagaan qorshaha dowladda ee ciribtirka Khawaarijta iyo dib u dhiska dalka.

WARARKA