Friday, October 4, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Qadar, Imaraadka ,Turkiga, Maraykanka, Ingiriiska iyo Soomaaliya oo ka shiray qorshaha hawlgalka cusub ee Midowga Afrika

Jimco 04 Oct 2024 {HMC}  Magaalada Washington waxa kowdii bishan ku kulmay wadamada la baxay shanta ee ka caawiya dawladda Soomaaliya arimaha amniga iyo tababarrada ciidamada. Dalal kan oo kala ah Qadar, Isutagga Imaraadka Carabta, Turkiga, Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa shirka waxa kala qayb galay xubno ka socday dawladda federaalka.

Dawladdahan shanta ah ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan gobnimada, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya, waxayna hoosta ka xariiqeen lagama maarmaanimada in hoos loo dhigo xiisadda gobolka, iyadoo loo marayo hannaan wadahadal oo ay ku jirto tan Turkidu wadaan.

Waxa kale oo ay ka wadahadleen sida loogu baahan yahay in diiradda la saaro yoolasha dhaqaalaha iyo wadajirka amniga, siiba wax ka qabashada khatarta kooxaha loogu yeero argagixisada ee ka jira Geeska Afrika.

Wadamadan waxa ay muujiyeen taageerada ay u hayaan dadaallada dawladda federaalka ee ku aadan sidii loo abuuri lahaa xoogag amni iyo hay’ado difaac oo xirfad sare leh, awoodooduna sareyso.

Shanta dal ayaa isku raacay talaabooyin lagu hormarinayo isku xirka tababarrada caalamiga ah si loo fududeeyo in la helo hawgallo waxtar leh waqtiga dhaw, iyo si looga caawiyo dawladda federaalka in ay hormariso awoodda tababarka muddada dheer.

Wakiilada ka socday shanta dal ayaa lafa guray sida dhakhsiyaha badan ee loogu baahan yahay in la soo gabagabeeyo qorshayaasha hawgalka cusub ee xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, xili uu dhammaanayo xiliga hawgalka ATMIS. Waxa ay tilmaameen muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo balaarinta wadahadallada dhinacyada qorshaha ku lugta leh, kuwaas oo ay ku jiraan dalalka ciidamadoodu qaybta ka yihiin si loo sameeyo hawgal yoolkiisu yahay in la gaaro dhamaystirka awoodda ciidamada amniga ee Soomaaliya.

Arimaha kale ee laga wadahadlay waxa ku jirtay in si dhakhsiyaha loo dhamaystiro qorshaha maal galinta hawgalka cusub.

WARARKA