Friday, October 4, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dalal Dhowr ah oo War ka soo Saaray xiisada Somalia iyo Itoobiya

Jimco 04 Oct 2024 {HMC}  Dowladaha Qatar, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Mareykanka oo Soomaaliya ka taageera dhinaca Ammaanka ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Washington ee dalka Mareykanka waxay mar kale ku celiyeen inay lama taabtaan tahay Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Midnimada dhuleed, waxayna isku raaceen inay ka soo horjeedaan wax kasta oo qal qal iyo xasilooni daro ka abuuri kara Geeska Afrika.

Wadamadaan ayaa sidoo kale dowladda Turkiga ku bogaadiyay dadaalada ay ku doonayso inay ku dajiso xaalada xilli Turkiga uu marti galiyay labo shir oo loo qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya, shirarkaas oo dowladda Soomaaliya ay ku cadaysay mowqifkeeda ah in aysan ka gor gortamayn in Itoobiya ay ka laabato damaceeda xadgudubka ah.

Kulaan ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah, iyadoo lagu soo dhaweeyay dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku aadan diyaarinta iyo isku dabaridada ciidan Qaranka oo lagula xisaabtami karo xasiloonida wadanka.

Dhanka kale kulanka inta uu socday ayaa looga hadlay baahida deg dega ah ee loo qabo in la dhamaystiro qorshayaasha cusub ee howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya si loo soo afjaro howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wadamadaan Soomaaliya ka caawiya dhinaca Amniga ayaa isku raacay shirka xiga oo ah shireka 8-aad in lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

 

WARARKA