Friday, October 4, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Qaraxyo Gilgilay Caasimadda Lubnaan ee Beyruut

Jimco 04 Oct 2024 {HMC} Duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil fulisay ayaa sababay qaraxyo waaweyn oo ka dhacay meel u dhow garoonka caalamiga ah ee magaalada Beyruut.

Waxay ahayd habeen kale oo ay dhaceen weeraro cirka ah oo lagu beegsanaayay sida la sheegay kooxda Xisbullah oo ku sugan magaalada Bayruud.

Beegsigu ma cadda, balse garoonka wuxuu u dhow yahay Daahiya- oo ah xarunta Xisbullah ee caasimadda.

Wararkasee waxay sheegayaan in Israa’iil ay si gaar ah u bartilmameedsaneyso Hashem Safieddine oo la wareegi doono xilka hogaamiyaha kooxda, kaas oo ay ilma adeer yihiin hogaamiyihii Xisbullah ee dhawaan la dilay, Xassan Nasrallah.

Qiiq weyn ayaana ka muuqda magaalada Beyruud subaxnimadan Jimcaha markii waagu beryay.

WARARKA