Friday, October 4, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Israel oo askar hor leh looga Dilay Iska Hor imaad Ka Dhacay Xadka Lubnaan

Jimco 04 Oct 2024 {HMC} Tiro ka mid ah askarta Israa’iil ayaa mar kale lagu dilay iska horimaadyo ay la galeen ururka Xisbullah meel aan ka fogeyn xadka koonfurta Lubnaan, sida laga soo xigtay Sky News Arabia.

Al-Jazeera ayaa iyana ku warrantay in meydad iyo dhaawaca askarta la arkay xilli ay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israa’iil ka soo qaadayeen goobaha uu ka dhacay iska horimaadka.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay bam ku qarxiyeen ciidamada Israa’iil oo isku dayay in ay gudaha u galaan tuulada Maroun al-Ras ee koonfurta Lubnaan.

Xisbullah ayaa intaas raacisay inay maanta oo kaliya dishay 17 saraakiil iyo askarta ciidanka Israa’iil, kaddib iska horimaadyo ka dhacay xadka koonfurta Lubnaan

Warkan wuxuu yimid markii ay sheegeen warbaahinta Israa’iil inay dhacdo halis ah ku qabsatay ciidanka Israa’iil xadka Lubnaan ka dib markiiay ku dhaceen dabin loo dhigay.

Israa’iil ayaa duqeymo culus ka geysatay meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Beirut ee Rafic Hariri, iyadoo garoonkan uu il dhaqaale oo muhiim ah u yahay dawladda kumeel-gaarka ah ee Lubnaan, haddii ay wax gaarsiiyaan duqeymaha Israa’iil sidoo kale waxay magaalada galaysa go’doon iyo waddada badda inay tahay halka kaliya ee looga baxayo.

WARARKA