Thursday, October 3, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

FAAH FAAHIN:.Wiil Dhalinyaro ah oo Caan ah oo Lagu dilay degmada Jalalaqsi iyo Xiisad ka taagan.

Khamiis Oktoobar 3, 2024 {HMC} — Faahin Faahin dheerad ah ayaa kasoo baxeeyso Dil goordhow ka dhacay degmada Jalalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana Lagu dilay wiil Dhalinyaro ah oo Caan ka ahaa Gudaha degmadaasi sida uu Goob-joogi Hiiraanweyn usheegay.

Ninka la dilay ayaa Lagu Magacaaba Allaha unaxariistee Cabeey Xasan xaaji Nuur oo kamid ahaa shaqaalaha shirkad koronto oo degmadaasi ku taalla, waxaana dilay Maleeshiyo Hubeeysan oo deegaanka ah.

Ehelada Cabeey ayaa Meeydkiisa kasoo qaaday Goobta lagu dilay Waxaana Hada degmada Jalalaqsi ka socda Baadi goobka kooxda Hubeeysan ee dilka geeysatay. Xiisad ku saleeysan dilka Wiilka Wiilkan ayaa Manta ka taagan degmadaasi.

Sidoo kale Ehelada wiilka la dilay ayaa Magaalada buux dhaafiyay iyaga oo Hubeeysan, waxaana Maaamulka degmada Jalalalaqsi wadaan sidii loo qabojin lahaa Xaalada degmadaasi

WARARKA