Thursday, October 3, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Qaraxyo iyo Toogasho ka dhacay Safaaradaha Israel ee Denmark iyo Sweden

Stockholm, Oktoobar 2, 2024 {HMC} — Booliska dalalka Sweden iyo Denmark ayaa sheegay in ay baarayaan toogasho iyo qaraxyo xalay laga maqlay meelo u dhow safaaradaha Israel ay ku leedahay Stockholm iyo Copenhagen.

Dalka Denmark, laba qarax ayaa xalay laga soo sheegay “meel u dhow” safaaradda Israel ee Copenhagen, sida uu saaka saxaafadda u sheegay afhayeenka booliska Denmark Jakob Hansen.

Dalka Sweden, booliska ayaa xaqiijiyey in safaaradda Israel ee Stockholm lala beegsaday toogasho habeenkii Talaadadii, ka hor 6:00 maqribnimo.

Lama soo sheegin cid wax ku noqotay labada dhacdo.

“Weli ma sheegi karno haddii uu jiro xiriir” ka dhexeeya qaraxyada iyo safaaradda Israel,” Hansen ayaa sidaas ka yiri dhacdada Copenhagen.

Subaxnimadii hore, aagga safaaradda ee Copenhagen ayaa la xiray, waxaana goobta ka shaqaynayay saraakiil boolis ah, sida uu soo sheegay weriye ka tirsan AFP.

Hay’adda sirdoonka Denmark ee PET, ayaa sheegtay inay si dhow ula socdaan xaaladda, ayna ka caawinayaan booliska baaritaankooda.

“Waxaan sidoo kale wadahadal kula jirnaa safaaradda Israel oo ku saabsan amniga, waxaana si joogto ah u qiimeyneynaa baaxadda tallaabooyinka amniga ee horay loo fuliyay ee la xiriira dhowr goobood oo Yuhuudda ah,” PET ayaa sidaas ku tiri bayaan ay siisay AFP.

Danjiraha Israel ee Denmark David Akov ayaa barta X ku soo qoray “inuu aad uga naxay falkan xun ee ka dhacay meel u dhow safaaradda.”

Booliska Copenhagen ayaa goor dambe shaaciyey in ay xireen saddex qof oo lala xiriirinayo labada qarax ee caasimadda Denmark.

“Laba nin ayaa tareen laga soo qabtay, xarunta dhexe ee tareenada Copenhagen, waxaa intaa dheer in subaxnimadii hore aan nin ka soo qabanay meel kale oo ka tirsan Copenhagen,” ayuu booliska ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta X.

Dhinaca kale, booliska Sweden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xogta ay muujinayso in dhismaha safaaradda Israel ay rasaas ku dhacday.

“Waxaan sameynay baaritaanno muujinaya toogasho ka dhacday safaaradda Israel, balse ma doonayno inaan si dhab ah u shaacino waxa lagu ogaaday baaritaanka maadaama weli uu socdo,” Waxaa sidaas AFP u sheegtay Rebecca Landberg, oo warbaahinta u qaabilsan booliska Stockholm.

Landberg ayaa intaa ku dartay in aysan jirin cid wax ku noqotay, waxaana la furay baaritaan ku saabsan fal dambiyeedka culus ee hubka, halis gelinta dad kale iyo hanjabaado sharci darro ah.

Booliska ma aysan xirin cidna, laakiin Landberg ayaa sheegtay in aagga ay si aad ah isha ugu hayeen kaamirooyinka, islamarkaana booliska ay si firfircoon u ururinayeen oo ay u falanqeynayeen agabyo.

Toogashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ay cirka isku sii shareerayso, kadib markii Iran ay xalay gantaalo badan ku garaacday Israel, halka Israel na ay wacad ku martay in Iran “ay mari doonto cawaaqibka” weerarka.

Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Israel iyo Xamas bishii October 2023, dhowr dhacdo oo sida muuqata lagu bartilmaameedsanayo danaha Israel ee Sweden ayaa la soo weriyey.

Bishii Febraayo, booliska ayaa bam gacmeed ka helay barxadda dhismaha safaaradda Israel, kaasi oo uu safiirku sheegay inuu ahaa isku day weerar.

Bartamihii May, rasaas ayaa laga maqlay bannaanka safaaradda Israel, taasi oo keentay in dalka uu sare u qaado tallaabooyinka ammaan ee danaha Israel iyo hay’adaha bulshada Yuhuudda.

Hay’adda sirdoonka dalkan Scandinavian-ka ah ee Sapo ayaa sheegtay dabayaaqadii May in Iran ay shaqaaleysiisay xubno ka tirsan burcadda Sweden si ay u geystaan “falal xun” oo ka dhan ah Israel iyo danaha kale ee Sweden – sheegashadaas oo Iran ay beenisay.

Dalkan Waqooyiga Yurub ku yaalla ayaa sidoo kale sheegay inay kordheen dambiyada nacaybka ee ka dhanka ah Yuhuudda tan iyo markii uu dagaalka Gaza billowday.

Horraantii Juun, booliiska ayaa sheegay in ay “aalad la tuhunsan yahay inay tahay walxaha qarxa” ka heleen bannaanka xafiisyada shirkadda teknoolojiyadda milatariga Israel ee Elbit Systems, oo caan ku ah in ay soo saarto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ay ku leedahay magaalada labaad ee ugu weyn Sweden ee Gothenburg.

WARARKA